Shirka Horumarinta Bahwaynta Ismaciil Cali ee Waqooyiga America  Daawo  Sawirda

Shirka Horumarinta Bahwaynta Ismaciil Cali ee Waqooyiga America Daawo Sawirda

Waxaa lagu soo gabagabeeyay Hoolka Shirarka Hodheelka Weyn ee loo yaqaan Four Points by Shiraton Minneapolis Hotels galabnimadii Isniintii, Sebteembar 3, 2007 kulan loogu magac daray Shirka Horumarinta Bahweynta Ismaaciil Cali ee Wuqooyiga Ameyrika.

Kulankaas oo si wacan loo soo agaasimay, loona adeegsaday Qalabka Casriga ee Isgaarsiinta maanta (Teleconference), waxaa si wadajir uga wada qayb galay Mas’uuliyiin, Calumaa’udiin, ganacsato, Haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Ismaaciil Cali ee ku kala sugnaa madasha shirka ee Magaalada Minneapolis, Walaayadaha America, Canada, Europe, Australia iyo magaalada Boosaaso, ee Dawlad Gobolleedka Puntland.

Shirka waxaa uu bilaabmay Abaarihii 5ta galabnimo waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah.

Waxaa dabadeed halkaas looga sii gudbay oo lagu soo dhaweeyey codbaahiyaha Afhayeenka Guddiga Maamulka Beesha, wuxuuna ka jeediyey warbixin ku saabsan hawlaha guddiga ay soo qabteen iyo barnaamijka mustaqbalka horyaal. Markaas ka dib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Guddiga Jaalliyadda Beesha oo halkaas ka jeediyey hadal kooban oo xambaarsan soo dhaweyn iyo salaan ergooyinka ka kala yimid North America iyo Europe, Guddoomiyaha wuxuu dabadeed fursad qaali ah uu siiyey Jaalliyadda madasha shirka ku sugneyd iyo kuwa ka kala socoday wilaayadaha kala duwan,  waxayna si toos ah oo  Via Teleconference oo si  waafi ah u dhageysteen Khubad uu halkaas uga soo jeediyey isagoo jooga Boosaaso, Puntland Isinka Beesha Ismaaciil Cali ee ah Boqor Cumar Ismaaciil Sanweyne. Boqor Cumar wuxuu ka jeediyey khubad qiimo weyn leh taasoo taabatay dhammaan dareenka ka qayb galayaashi shirka yar iyo weynba.

Boqorku wuxuu si gaar ah uga hadlay xaaladda Soomaalida manta, dawrka ay beeshu ku yeelan karto ka shaqeynta si loo helo amniga, midnimda iyo horumarka Bulshada Soomaaliyeed meelkasta ay joogaanba. Sidoo kale Boqorka wuxuu u caddeeyey in wixii karaankiisa uusan waxba ka hagran doonin dawrkiisa Isinnimo, wadashaqeyn muuqatana ula  yeelan lahaa beelaha kale ee Soomaaliyeed oo walaalnimo, darisnimo, iyo Soomaalinimo wadaagga.

Iyadoo laga shidaal qaadanayo Khudbaddii Boqor Cumar, waxaa codbaahiyihii lagu soo dhaweeyey mas’uuliyiin kale oo markaas la fadhiyey Magaalada Boosaaso; waxayna halkaas ka soo jeediyeen khudbado ku aadanaa munaasabadda shirka oo ay soo jeediyeen Salaadin , nabadoono, aqoonyahano, iyo waxgarad  kale oo la socday Boqor cumar.

Markii la dhageystay hadaladii Salaadiinta Beesha waxaa madasha kulanka lagu soo dhaweeyey xubin ka mid ah ka qaybgalayaashi shirka oo halkaas ka soo jeedisay khubad si aad u soo jiidatay oo ayna u riyaaqeen Mas’uuliyiinta ku sugnaa Boosaaso, Puntland iyo sidoo kale Jaalliyaddii Shirka la socotay. waxay hadalkeedi ku soo qaadatay Marxaladihii Taariihiga oo ay soo martay Beesha Ismaaciil Cali iyo xaaladda haatan ay ku sugan yihiin, islamarkaasna sidii looga gudbi lahaa, loona jaanqaadi lahaa waayaha adag ee maanta Soomaaliyaku jirto. Sida runta ah Khubadu waxay ku reebtay raad aad weyn intii dhageysatay galabtaas. Dabadeed waxaa looga sii gubay Qaybihii kale ee ajandaha shirka ku jiray. Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey ergooyinkii Jaalliyadaha Beesha ee ka kala socday Gobbollada kala duwan ee Wuqooyiga Ameyrika waxaana ka mid ahaa:- Mudane ku hadlay magaca Jaalliyadda Gobolka Virginia, iyo Mudane kale oo ku hadlay magaca Jaalliyaddii ka socotay Magaalada Chicago, Illinois; waxaa sidoo kale magaca Jaalliyadda reer Minnesota warbixinno aad loog u bogay ka soo jeediyey mudaneyaal matalayey gobolka Iyadoo halkaas ka sii socotay hadaladii ku saabsanaa warbixinihii Gobollada waxaa la soo dhaweeyey codbaahiyii oo ka soo jeediyey warbixintii Jaalliyadda Michigan , .

Markii si habsami looga bogtay khubooyinkii ku aadanaa shirka Horumarinta Bahweynta Ismaaciil Cali ee Wuqooyiga America . Waxaa ugu dambeyntii lagu soo gabgebeeyey shirka si heer sare waxaana lagu sharafay Khubaddii gunaanadka ahayd mudane ku hadlayey magaca Jaaliydaha oo dhan oo halkaas ka soo jeediyey dardaaran ku aadan bahweynta Ismaaciil Cali meelwalba ay ku nool yihiin.

            Baaqa shirka ka soo baxay:

Waxaa si wadajir la isugu raacay in la taageero Shirweynihii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo Go’aannadii ka soo baxay, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedada jira khaasahaan Puntland. Sidoo kale, waxay ugu baaqayaan Muwaadinkasta ee Soomaaliyeed in khilaafaadka jira Soomaaliya in lagu dhammeeyo wada hadal iyo nabad, lana ilaaliyo Minimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Ali Yusuf
[email protected]

beesha1  beesha2beesha3beesha4beesha5beesha6

Boosaaso: Beesha Ismaciil Cali oo Caleema Saartay Boqor Cumar Ismaciil Sanweyne..

5 thoughts on “Shirka Horumarinta Bahwaynta Ismaciil Cali ee Waqooyiga America Daawo Sawirda

Comments are closed.