Suldaan Bashir muuse Koonte la hadaya biishiisa Degaanka Xiriiiro Daawo Sawiro

 Beesha Cumar Cali oo kamid ah beelaha Puntland ayaa wayadii ugu dambeysay shirar kala duwan uga socdeen Degaanada Xiriiro iyo Boosaaso oo katirsan Gobalka Bari ee Puntland ayaa wajigii hore Shirka waxaa Lagu soo xiray Degaanka Xiriiro halka kan 2-aad lagu soo xiray Magaalada Boosaaso, Shirarkan ay beeshu yeelatay ayaa looga hadlay arimo kala duwan oo la xiriira Horumarka, Nabad Galyada iyo wax wada qabsiga Beesha iyo weliba Beelaha ay deris wadaaga yihiin,

 

Beesha Cumar Cali oo shirkii usoo gabgaboobey.

Beesha Cumar Cali oo shirkii usoo gabgaboobey.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada Beesha Cumar Cali Sida Aqoonyahanka, Ganacsatada, Culimada iyo Reer Guuraaga waxaana Shirka Gudoominaayey Suldaanka Guud ee Beesha Cumar Cali, Suldaan Bashiir Muuse Koonte  isla markaana kamid ah salaadiinta sida weyn looga ixtiraamo Guud ahaan Soomaaliya gaar’ahaan Puntland, Suldaanka oo ka hadlay soo xiritaanka Wajiga 2-aad ee Shirka ayaa Guul iyo wax aad u wanaagsan ku tilmaamay Shirkan ay iskugu timi Beesha Cumar Cali oo kamid ah Beelaha Dega Puntland Gaar’ahaan Gobalka Bari

DSC05161

Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa Beesha Cumar Cali ugu baaqay meel kasta oo ay joogaan inay Gacmaha is qabsadaan kana wada shaqeeyaan Horumarka degaanada Beesha iyo Guud ahaan mida Dalka Isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa wanaaga iyo Derisnimada wanaagsan ee lagula nool yahay Beelaha deriska la ah Beesha Cumar Cali.

DSC05163

Suldaan  Bashiir ayaa ugu damabyntii soo xiray Shirka Beesha Cumar Cali waxaana la isku raacay Dhamaan qodobadii lagaga hadlay Shirkan oo ay kasoo qayb galeen inta badan dadka wax ku oolka ah ee kasoo jeeda Beesha Cumar Cali.

 

Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo la hadlaaya dadka Shirka Fadhiya

DSC05156

DSC05127 (1)