Degmada Xunbeys ee gobalka Karkar oo ah degaanka Boqorka laga hirgeliyay Ceel biyood Daawo halkan Hoose

Degmada Xunbeys ee gobalka Karkar oo ah degaanka Boqorka laga hirgeliyay Ceel biyood Daawo halkan Hoose

waxaa  degaanka Xunbeys laga hirgeliyay ceel biyoodkii ugu horeeyay mudo sanada ah oo dadka degaankaas degan aysan haysan ceel biyood rasmi ah waxaana degaanka xunbeys ee Gobalka Karkaar  uu kamid yahay meelaha ay kunoolyahiin xoolaha ugu badan ee degaanada puntaland .

xafalad aad losoo agaasimay ayaa waxaa  lagu daahfurayay qoditaanka ceelbiyoodkani ayaa waxa kaqaybgalay masuuliyinkatirsan Maamulka Puntland iyo sidoo kale Madaxda jamciyada Al-Ixsaan.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ahna madaxa Jimciyadda Al-Ixsaan Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda uu ceel biyoodkani u yeelan doonAl-ixsaan-e1358165996367o dadka deegaanka Xumbays.

 

Waxaa mahad celin gaara ah usoo jeediyay dowladda Kuweit ee mashruucan ku deeqday, iyadoo soo marsiisay jimciyadda Al-Ixsaan

Dhinaca kale wasiir kuxigeenka Cadaalda iyo awqafta Puntland Maxamuud Siciid oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu kudadaali doono sidii ay u wax ugaqaban lahaayeen baahiyaha ay dareemayaan bulshada reer Puntland isagoona soo dhoweyay Hay`adaha iyo dowladaha taageerda kasiiya wax uqabashada dadweynaha reer Puntland.

Al-ixsan-e1358165923111

Tuulada Xumbays ee gobolka Bari ayaa horay uga mid ahayd meelaha sida wayn ay uga jirtay baahiyaha dhinaca biyaha ah, taasoo dad badan xiligaan ay rajaynayaan inay daboosho ceelka hadii la hirgaliyo baahiyihii dhinaca biyaha ee deegaanka ka jirtay.

Dhamaan qurbajoogta degaanka xuneys iyo dhamaan bulshada kunool degaankaas ayaa aad usoo dhoweyay mashruucaan laga hirgeliyay magaalada Xunbeys ee Gobalka Karkaar

ceelka

One thought on “Degmada Xunbeys ee gobalka Karkar oo ah degaanka Boqorka laga hirgeliyay Ceel biyood Daawo halkan Hoose

  1. Anoo ka midda dadka uu boqor uyahay Boqor cumar I Sanweyne waxaan lee yahay boqor jir oo noolow waana wabsite qurux badan thanks

Comments are closed.