BOQOR CABDIRASHIID BOQOR CUMAR AYAA LA KULMAY BOQORKA TORA KINGDOM DALKA UGANDHA.

BOQOR CABDIRASHIID BOQOR CUMAR AYAA LA KULMAY BOQORKA DALKA UGANDHA.
Boqor Cabdirashiid Boqor Cumar oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka Soomaaliyeed hadana ah gudoomiyaha qaban qaabada shirka odayaasha dhaqanka Africa ayaa mudooyinjan socdaal ku jooga wadamada barigga Africa
Boqorka ayaa maanta la kulnay boqortooyada wadaanka Ugandha oo ka mid ah kuwa ugy faca weyn Africa. Boqor Cabdirashiid, waxaa si diiran qasriga boqortooyada ugu soo dhoweeyay, boqorka qoowmiyada Tora Kingdom,  King Oyo Rukidi  iyo Boqrada  Queen Queen best Mother Kemigisa iyadda oo loo qaraacay astaanta boqorka iyo muusikada bambooyda.
Dadka deegaanka Tora ayaa isugu soo baxag halka uu degan yahay boqorkoodu, si ay u soo dhoweeyaan Boqor Cabdirashiid iyo wafdiga uu hogaaminayo..
Boqor Cabdirashiid Boqor Cumar iyo wafdigiisa ayaa kulan saacado ah la qaatay boqorka dalka Ugandha, waxaa laga wada hadlay qabsoomida shirka oday dhaqameedka Africa iyo xoojinta xiriirka labada boqortooyo.
Shirka oday dhaqamadeeyda Africa ee uu qaban qaabadiisa wado Boqor Cabdirasgiid, ayaa waxaa suurtagelinaya madasha oday dhaqameedyada aduu ka, Mareykanka iyo ururo ka shaqeeya xallinta.
Boqor Cabdirashiid Boqor Cumar, ayaa sido kake booqan doona wadamo badan oo ku yaala Africa, isaga oo kulamo la qaadanaya saldanadaha wadamadaas.