Boqor Abdirashid Boqor Omar ayaa waxaa manta lagu casumay Madasha Nabada ee Stockholm Forum on Peace and Development.

Boqor Abdirashid Boqor Omar ayaa waxaa manta lagu casumay Madasha Nabada ee Stockholm Forum on Peace and Development.

20190514_142207 20190514_142303 20190514_145012 (1) 20190514_145012 20190514_155613 (1) 60154292_10157421950441934_6347311220755791872_n 60167384_10157421950791934_8480238550279782400_n 60319440_10157422031791934_3669603320214847488_o (1) 60319440_10157422031791934_3669603320214847488_o 60328321_10157421815811934_6448930825583984640_n

Boqor Abdirashiid oo ah Asaasaha Xarunta hormarinta nabada Somaaliyeed ayaa manta waxaa lagu casumay Shirkii Nabada ee Stockholm Forum on Peace and Development ee ka dhacay magaalada casumada dalka Sweden ee Stockholm isla shirkaas ayaa waxaa lagu casumay madax kala duwan oo ka kala socota dunidda, waxaana ka mid ahaa: –

Annika Söder, Deputy Minister for Foreign Affairs, Sweden
Mohammed Ali Al-Hakim, Minister of Foreign Affairs, Iraq
Ahmed Isse Awad, Minister of Foreign Affairs, Somalia
Nabeela F. Tunis, Minister of Planning, Sierra Leone
John R. Allen, President, The Brookings Institution
Fatima Shehu Imam, Director, Civil Society Organisations in Borno State, Nigeria

Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’.
Boqor Abdirashiid oo lagu xushay inuu dhaqan ahaan uga qayb galo si doorka Ismada Somalaiyed uga qayb qataan nabada uu sharxaad uga bixiyo ayaa Sanadkaan nasiib u yeeshay ka qayb galka shirkaan muhiimka ah, waana markii u horeysay oo madax dhaqameed Somaalieed ka qaybgalo shirka noocaan oo kale ah, sidoo kale waxaa shirkaan lagu casumay Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobbay u fadhiyey Somaliya Ambasdor michael keating
oo xiligaan madax ka ah xarun ka shaqysa Nabadaynta.

Shirka waxaa khudbada qiimo badan ka jeediyey Wasiir Axmed Ciise Cawad oo sharaxaad ka bixiyey Marxadahii dib u heshiisneed ee see Somalaiya soo maratay