Boqor Omar  Sanweyne  oo  Tacsi ka  diray   Geeri   Naxdinta  Laheeyd  oo ku  Timi  Aamino Abiib

Boqor Omar Sanweyne oo Tacsi ka diray Geeri Naxdinta Laheeyd oo ku Timi Aamino Abiib

Boqor Omar Ismail  Sanweyne  ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee  ku timid Marxuumad Marwo Aamino Abiib oo ahayd xaaskii  Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan  Maxamed Faroole  oo ku geeriyootay magaalada Garoowe ee Puntland.

Waxuuna    uga  tacsiyey   Shacab  weynaha   reer  Puntland  iyo kuwa  somaaliyeed inuu  samir   eebe  ka  siiyo  waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Qoyska reer C/raxmaan Faroole iyo reer Abiib geerida naxdinta leh ee ku timid Marwo Aamino

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun,  waxaana Eebe uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo dhamaanteen

 Boqor   omar  Sanweyne  oo ku  sugan    Dalka  India  gaar  haan  magalaada Haydara  baad   waxuu  ku tilmaamay  geeri  xanuun    badan oo  qofkii  maqalaa  ku noqtay   inuu  dareemo     naxdin  iyo    dareen  murug leh